Deeq A. Posted September 12, 2019 Baardheere (SMN) – Ciidamada ammaanka ayaa magaaladda Baardheere ee xarunta gobolka ka sameeyay howlgalo balaaran oo dad badan lagu soo qabtey. Dadka lasoo qabtay qaarkood oo tiradooda lagu sheegay 20 ruux ayaa waxaa la sheegayaa in looga shakisan yahay in ay xubin ka yihiin AlShabaab. Shaqsiyaadka oo ku xiran saldhiga magaaladda ayaa waxay badankooda yihiin dhalinyaro laga soo qabtay xarumaha ganacsiga. Saraakiisha amniga magaaladda ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin howlgalada oo la sheegay in amniga lagu xaqiijinayo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites