Deeq A. Posted September 12, 2019 Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa wuxuu soo jeediyay in wada hadal lala galo AlShabaab. Mr Saacid oo la hadlay warbaahinataa wuxuu sheegay in xeeladda dagaalka AlShabaab looga adkaan waayey, sidda uu hadalka u dhigay. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku adkeystay in loo baahan yahay in markan la isku dayo qaab siyaasadeed oo wada hadalka ah. “Wada-hadal toos ah in lala galo ayaan anigu qabaa,runtii waxaa weeye waa dad Soomaaliyeed oo la kari waayay,axaana fiican in laga guuleysto,nabad wadahadal ku timaado lafteeda lama dhayalsan karo,” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo xoogaga dowladda ee howlgalada ka wada gobolada dalka ay qabsadeen degaano horleh. View the full article Share this post Link to post Share on other sites