Deeq A. Posted September 11, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta ka qeybgalay shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi. Wasiir Ducaale ayaa ugu baaqay ergada ka qeyb galeysa shirkaasi in ay ka qeyb qaataan nabad galyada deegaanada maamulka Galmudug. Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha ammaanka Dhuusamareeb oo uu sheegay in la xoojiyey maalmihii la soo dhaafay. Dhanka kale waxa uu ballaan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan Al-Shabaab looga saari doono deegaanada ay ka heystaan gobollada Mudug iyo Galgaduud. Shirka Dhuusamareeb oo looga hadlayo arrimaha dib u heshiisiinta ayaa waxaa Jimcihii daah-furay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. View the full article Share this post Link to post Share on other sites