Deeq A. Posted September 11, 2019 Garoowe (SMN) – Waxaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal lagu soo bandhigay ciidamo cusub oo ka mid ah kuwa ammaanka ee maamulka Puntland. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka, islamarkaana si gaar ah loo soo tababaray ayaa waxaa la sheegay in ay ka shaqeyn doonaan amniga magaaladaasi. Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan ayaa sheegay in u jeedka loo soo xulay ciidamadaasi uu yahay sugidda nabad galyada. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, iyaga oo aan cuburin dadweynaha. Ugu dambeyn taliyaha ciidamada Booliska Puntland, Sarreeye Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa uga digay ciidamadan inay si macno darro ah u rasaaseeyaan dadka, wuxuuna tilmaamay in askarigii amar la’aan xabad rida uu isagu qaadi doono mas’uuliyadda. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites