Deeq A. Posted September 11, 2019 Addis Ababa (SMN) – Jeneraal Berhanu Jula, taliye ku xigeenka ciidamada waddanka Itoobiya ahna madaxa howlgalada, ayaa u sheegay warbaahinta in ay qabteen “xubno ka tirsan” Daacish. Sidda laga soo xigtay Jeneraalka, kooxdan ayaa meelo kala duwan oo dalkaas kamid ah waxay isku dayeysaa in ay isku balaariso kuna yeelato unug xoogan, balse wuxuu carabka ku dhuftay in ay ku fashilantay. Warbixino laga helay hay’addaha sirdoonka ayaa waxay qeexayaan in ay jiraan tirro dagaalyahano ururkan kamid ah, kuwaasi oo tababar kusoo qaatay dibadda, ay galeen dalkaas bilooyinkii lasoo dhaafey. “Wali ma caddeyn karno qorshahooda, balse waxay sameynayaan dhaqdhaqaaq si ay u aqoonsadan dagaalameyaashooda, isha ayaanse ku hayaan,” ayay wakaaladda wararka Itoobiya kasoo xigtay sarkaalka. Ururkan oo Soomaaliya kaga sugan degaanada Puntland gaar ahaan buuraleyda gobolka Bari ayaa Geeska mandiqada kasoo if-baxay 2015-kii, waxaana hogaamiye u ah Cabdiqadaair Muumin. View the full article Share this post Link to post Share on other sites