Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo howlgelisey ciidanka tayeynta ammaanka caasimadda Garoowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa si rasmi ah looga howlgeliyey ciidamo cusub oo loogu magac daray ciidanka tayeynta ammaanka caasimadda Puntland.

Howlgalladaan ayaa waxaa lagu beegsan doonaa hubka sharci darrada ah ee lagu dhex wato magaalada Garoowe, ciidamada xilliga aysan shaqada kujirin soo gala magaalada, dhalinyarada ku howlan falalka ammaan xumo, soo celinta bilicda magaalada iyo rarista marfashyada iyo Kabarada qaadka.

Duqa degmada Garoowe, guddoomiya ku-xigeenka gobolka Nugaal, taliyaasha ciidamada booliska iyo Daraawiishta iyo wasiirka amniga dowladda Puntland oo si wadajir ah ula hadlay ciidanka kujira howlgalkaan ayaa ku booriyey inay dhowraan anshoxooda iyo xuquuqda shacabka aysanna sharciga cidna dhaafsan.

DAAWO

PUNTLANDPOST

The post Puntland oo howlgelisey ciidanka tayeynta ammaanka caasimadda Garoowe. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this