Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergada shirka GALMUDUG oo su’aallo adag weydiiyey wasiirka amniga Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa maanta ka qeyb shirka dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug ee weli ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Shirka oo galay maalintiisii shanaad ayaa waxaa inta badan diirada lagu saarayaa arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashada maamulka Galmudug.

Qaar ka mid ah ergada ka qeyb galeysa shirkaasi ayaa su’aallo adag wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliyeed ka weydiidyey arrimaha ammaanka ee Galmudug, gaar ahaan ciidamada ay dowladdu geysay magaalooyinka qaar ee maamulkaasi.

Wasiir Ducaale ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee dowladda uu yahay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka Galmudug iyo sidii loo heli lahaa maamul mid ah oo loo dhan yahay.

Waxa kale uu sheegay in ciidanka dowladda kaliya ay ka shaqeynayaa xasiloonida deegaanka iyo sidoo kale sidii u xaqiijin lahaa amniga goobaha doorashooyinka.

Ugu wasiir Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay howlgalladii ugu dambeeyey ka gaareen guullo waa weyn, islamarkaana ay Al-Shabaab ka qabsadeen deegaano hor leh.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this