Sign in to follow this  
Deeq A.

Tafatirihii Guud ee Shabkadda Hadhwanaag Oo La Xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Tafatiraha guud ee shabakadda wararka ee HadhwanaagNews Suxufi Cabdiqani Asbaro ayaa Ciidanka Booliska xabsiga u taxaabeen xalay.

asparo.jpg

Sida ay ku noo sheegen dad goobjoog ah waxaa suxufiga qaaday ciidan ka buuxa Laba gaadhi oo Ciidanka Booliska kuwaaso ka kaxeeyay meherad ku taala xaafada Siinay ee Magaalada Hargaysa oo ku sugnaa.

Waxaana xadhiga suxufigu sababtay in buuq uu dhex maro dadweyne goobtaa ku sugnaa, ku waas oo askarta waydiiyay in ay tusaan waaranka qabashada Suxufiga, balse booliska ayaa rasaas ku kala kexeeyay shicbka goobta ku sugnaa.

Xadhiga Tafatiraha ayaa lala xidhiidhinayaa Guddomiyaha Bangiga dhexe ee somaliland Cali Ibrahim Jaamac (Baqdaadi) balse illa ma jiraan war ka soo baxay laamaha amniga iyo xukuumadda Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this