Deeq A. Posted September 11, 2019 Qaahira (SMN) – Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, C/laahi Cali Xasan iyo wasiirka maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Masar, Naxar Nasar ayaa waxa ay qalinka ku duugeen heshiiska isfahamka maalgashiga wadajirka ah ee labada dal. Heshiiska istaraatiijiyada iskaashiga maalgashiga ee Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa lagu saxiixay Qaahira, kadib markii la soo gabagabeeyey shirweynihii labaad ee guddiyada ganacsatada labada dal ee ka socday gudaha magaaladaasi. Munaasabadda saxiixa ee heshiiskaasi waxaa goob joog ahaa wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dalka Masar, Cumaru Nasaar iyo madax kale. View the full article Share this post Link to post Share on other sites