Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlayo Deyn cafinta Somalia oo ka socda Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (SMN) – Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmaya kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoonayaa Wajiga afaraad ee Barnaamijka deynta cafinta Soomaaliy (SMP4),

Waxaa si gaar looga hadlayaa kulanka wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay sadaxdii bil ee la soo dhaafay shuruudaha ku xeran wada hadalka deynta cafinta wajiga afaraad .

wadahadalka waxaa kale oo ka qeyb galaya wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Inta uu socdo shirka Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxa ay kulama gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deymaha kuleh Soomaaliya waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay…

Wasiirka Maaliyada Mudane Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka deyn cafinta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this