Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo soo bandhigtay 90 xubnood oo kamid ah ergooyinkii so xulay xildhibaanada Federaalka ee laga soo doorto Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al-shabaab ayaa degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug ku soo bandhigay 90 xubnood oo kamid ah ergooyinkii soo xulay xildhibaannada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto degaannada Galmudug.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in madax-dhaqameedkaas ay Al-shabaab cafis u fidisay kadib markii ay iclaamiyeen in ay ka towbad keeneen soo xulistii xildhibaannada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale warbaahinta Al-shabaab waxay sheegtay in odayaasha towbadda loo qabtay ay isgaa yimaadeen dhammaan degaannada Galmudug kadib markii Al-shabaab ku amartay in ay iska soo diiwan-geliyaan degaanka Xarardheere si cafis loogu fidiyo.

Al-shabaab ayaa hore sidaan oo kale u soo bandhigtay ergooyin kamid ah madax-dhaqameedkii soo xulay xildhibaannada Baarlamanka Federaalka ee laga soo doorto Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

1-4.jpg?w=1000&ssl=1 2.jpg?w=1000&ssl=1 3.jpg?w=1000&ssl=1 4.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo soo bandhigtay 90 xubnood oo kamid ah ergooyinkii so xulay xildhibaanada Federaalka ee laga soo doorto Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this