Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada xarumaha gaarka ah iyo kuwa DF ee Al-Shabaab ay joojiyeen dhismayaashooda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheeko cusub ma’ahn in Al-Shabaab ay lacago canshuur ah ka qaataan dhamaan dhismooyinka magaalada Muqdisho iyo adeegyada kale ee ganacsi ee ka jira Muqdisho iyo gobalada kale ee dalka balse waxaa layaab noqday in Al-Shabaab dhismo ka joojiyaan dowladda Soomaaliya.

Dad badan ayaa ku baraarugsaneen in Al-Shabaab ay hore ugu guuleesteen joojinta dhismayaal ku socday goobo ganacsi oo gaar loo leeyahay iyo dhismiyaal dowladeed.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Al-Shabaab ay muddo dheer ka hor joojiyeen dhismiyaal hotel iyo ganacsi kale, iyo ilaa xarun oo kale oo ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab waxay joojiyeen dhismo ka socday isgoyska Jubba, kuna dhaggan hotel Dorbin oo isagana qorrax ka soo bax kasii xiga xarunta ugu wayn ee NISA, sidoo kalane ku dhaggan aqalka golaha senate-ka Soomaaliya (Aqalka Sare). Dhismahaan ayaa waxaa la sheegay in loo dhisayay dhowr wasaaradood oo katirsan xukuumadda Soomaaliya, sida gaadiidka iyo caafimaadka oo ku soo guuri laheyd, mana bilaaban ilaa hadda dhismahaas oo muddo hakad ku jira.

Sidoo kale, Al-Shabaab waxay dowladda Soomaaliya ka joojiyeen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, inkastoo markii dambe lacag lagu bixiyay dhismaha wadadaasi. Qatar ayaa boqolaal kun oo dollar ay ku bixisay dhismaha wadadaasi oo Al-Shabaab markii hore hakad geliyeen.

Goobaha sida gaarka ah loo leeyahay oo Al-Shabaab dayactirkooda joojiyeen waxaa kamid ah hotelkii waynaa ee Maka Al-Mukarama oo ay dhowr jeer weerareen iyo maqaayadii Hilaac UK, oo sidoo kale isku mar la weeraray labadaasi xarun.

Al-Shabaab ayaa dhismaha hotelkaan ay joojiyeen iyo goobaha kale ku micneeyay in aysan raali ka aheyn sii shaqeynta hoteelkaasi oo lagu tiriyo goobo fara ku tiriska ah oo diiday bixinta canshuurta Al-Shabaab, halka Hilaac UK la sheegay in ay sababsatay warar sheegaya in xukuumadda Soomaaliya ay bixisay lacago taakulo ah oo dadkii ku hanta beelay lasiiyay.

Cidna kama qarsoona saameenta Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho oo aad uga sii kordheysa halkii ay joogtay 3 sano ka hor iyadoo ay kusii milmayaan gudaha ganacsiga iyo shacabka intii uga harsaneed.

Xaqiiqda kale oo ay Caasimada Online, la wadaageyso akhristiyaasheeda waxaa kamid ah in Al-Shabaab, muddo todobaadyo ah joojiyeen adeegyadii dekadda Muqdisho kadib markii ay u hanjabeen shaqaalaha iyo gaadiidleyda dekadda Muqdisho, balse dib loo xaliyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this