Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Al-Shabaab oo markale Ergo ku soo bandhigtay Xarardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa markale ku dhowaad 100 ergo ah ku soo bandhigay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Odayaashan oo tiro ahaan gaaraya illaa 90 qof ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegtay inay cafis u fidisay, islamarkaana ay Towbad keeneen, sida ay hadalka u dhigtay.

Ma shaacin dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab meelaha ay ka kala yimaadeen Odayaashaasi, balse Caasimada Online ayaa ogaatay in ergada u badan yihiin kuwo ka soo jeeda Galmudug.

Munaasabadda lagu soo bandhigay oo aheyd mid ballaaran ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo khudbado uu jeediyey ergada.

Al-Shabaab ayaa horay gobollada Hiiraan iyo Baay ugu soo bandhigtay boqolaal ergo ah oo ay ku jiraan 11 Dumar ah, kuwaas oo wax ka soo doortay baarlamaanka Soomaaliya.

Bayaanka ay Al-Shabaab ee ka dhanka ah Odayaasha ayaa soo baxay 15-kii bishii July, waxaana fuliyey ku dhowaad kun ergo ah oo lagu soo bandhigay deegaanadooda.

Ergo-1.jpg 1-2.jpg 2-2.jpg 3-2.jpg 7.jpg 8.jpg 9.jpg 13.jpg 15.jpg 16.jpg 17.jpg 18.jpg 19.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this