Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Khayre oo la kulmay maamullada degmoooyinka gobolka Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)  – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo weli ku sugan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa kulamo ka wada halkaasi.

Ra’iisul wasaare Khayre oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xalay la kulmay guddoomiyeyaasha degmooyinka Xudur, Rabdhuure iyo Tiyeeglow.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay ugu horreyso amniga, gaar ahaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolkaasi.

Sidoo kale kulankan ayaa looga hadlay tayeynta xarumaha waxbarashada, caafimaadka iyo sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada.

Mudane Xasan Cali Khayre oo madasha ka hadlay ayaa u ballan guddoomiyeyaasha iyo waxgaradka uu la kulmay inuu wax ka qaban doono xaaladaha ka taagan gobolka Bakool.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha oo ah tii ugu horreysan ee Xudur ayaa ku soo aadeyso, iyadoo dhibaatooyin xoogan ay ka jiraan gobolka Bakool, kuwaas oo ay ku hayaan dagaalyahannada Al-Shabaab.

4-3.jpg 1-3.jpg 2-3.jpg 3-3.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this