Sign in to follow this  
Deeq A.

SAACID oo soo jeediyey in wadahadal toos ah lala furo Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo u warramayey warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Saacid ayaa qiray in weli ay jirto awooda Al-Shabaab, islamarkaana ay yihiin dad Soomaaliyeed oo la kari waayey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu qabo in wadahadal toos ah lala galo Al-Shabaab, si dalka loogu soo dabaalo nabad gelyo iyo xasilooni.

“Wada-hadal toos ah in lala galo ayaan anigu qabaa, runtii waxaa weeye waa dad Soomaaliyeed waa la kari  waayey, waxaa fiican in laga guuleysto, nabadd wadahadal ku timaadana lafteeda lama dhayalsan karo.”ayuu yiri Cabdi Faarax Shrdoon (Saacid).

Waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay in la xoojiyo hay’adaha amniga, gaar ahaan dadka ka shaqeynaya oo uu xusay in loo baahan yahay inay ahaadaan dad khabiiro ah.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo looga fadhiyo inay la timaado qorshe cad oo lagaga adkaan karo kooxda Al-Shabaab.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/cod-1-Saaciid-.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this