Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dowladdaha Masar iyo Somalia oo heshiis isfaham wada galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaahira (Caasimada Online)– Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ee Somalia, Dr. Abdullahi Ali Hassan iyo Wasiirada Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Masar, Saxar Nasar waxay maanta qalinka ku duugeen Heshiiska Isfahamka Maalgashiga Wadajirka ee labada dal.

Heshiiska Istaraatijiyada Iskaashiga Maalgashiga ee Somalia iyo Masar waxaa lagu saxiixay magaalladda Qaahira, kadib markii la soo gebagebeeyey Shirweynihii Labaad ee Guddiyada Ganacsatada ee Labada dal ee ka socday Qaahira.masar-som-2.jpgMunaasabadda saxiixa ee Heshiiskaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha dalka Masar, Cumaru Nasaar iyo madax kale.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin
Xigasho: mubasher.info, Egyptmasar-som-1.jpgmasar-som-3.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this