Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo la kulmay sarakaiisha ilaalinta degaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa aqalka Dawladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay Saraakiisha Taliska Ciidanka ilaalinta Deegaanka ee Xamar.

Ujeedka kulankaan oo ahaa islaxisaabtan iyo ladagaalanka musuq maasuqa oo qeyb ka ah siyaasadda duqa magaaladda Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa waxaay goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xiggeenada Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa uu guddoomiyaha gobolka Banaadir uu mid Mid u wareystay saraakiisha ciidanka ilaalinta deegaanka ee Xamar, isaggoo u sheegay in maamulkiisa uusan aqbali doonin musuq maasuq iyo kutakrifal Awoodeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this