Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war kasoo saaray qaraxii Jeneral Dhoore iyo shaqo uu qaban jiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxii lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliya, kaas oo shalay barqadii ka dhacay wadada hor marta dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ay qaraxaas dhaawac halis ah ku gaarsiiyeen Jeneral Maxamed Cabdullaahi Dhoore, oo ay sheegeen in uu Booliska Soomaaliya u qaabilsanaa arimaha dibadda.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale warka kasoo baxay waxa ay ku sheegeen in salkaalka ay qaraxaas ku bar-tilmaameedsadeen uu ahaa isku xiraha booliska Soomaaliya iyo booliiska caalamiga ah ee INTERPOL.

Al-Shabaab ma sheegin in qaraxaasi uu ahaa mid sarkaalka loogu xiray gaarigiisa iyo in uu ahaa mid lagu sii diyaariyay wadada, balse waxa ay sheegeen in qaraxaas ay kula beegsadeen goob si weyn loo ilaaliyo oo ay ku sugnaayeen askar ka kala tirsan booliska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda ka hadal qaraxii shalay iyo xaaladda caafimaad ee Jeneral Maxamed Dhoore.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this