Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Iran)-Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa eedayn culus u jeedisay Dawladda Isreal.

Israaiil-iyo-Iran.png

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee IRAN Javad Zarif, ayaa Isreal ku eedeeyay inay dagaal raadinayso, ka dib markii Raysal-wasaaraha Isreal uu toddobaadkan sheegay inay IRAN leedahay goob sir ah oo ay ku kaydsato ama ku samaysato hubka Nuklear-ka.

Wasiir Javad Zarif ayaa sheegay in Isreal raadinayso Dagaal, isagoo hadalka Benjamin Netanyahu ku tilmaamay ‘Oohinta yeyga’

Xiisadda labada Dal ee IRAN iyo Isreal ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii Isniintii Shalay uu Raysal-wasaaraha Isreal Mr. Netanyahu uu sheegay in Isreal ogaatay in qalab loo adeegsado hubka Nuklear-ka ay ku arkeen Magaalo ku taalla badhtamaha Dalka IRAN oo Magaceedu yahay Abadeh.

Mr. Netanyahu oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Basaasiinta Isreal ay Sannadkii hore dhukumantiyo la xidhiidha Nuklear-ka Iran ka soo xadeen bakhaar ku yaalla Gudaha IRAN, arrimahaas oo dhamina muujinayaan tuhunka la qabo ee ah IRAN leedahay Hubka wax gumaada ee Nuklear-ka.

Laakiin, Wasiirka arrimaha dibedda IRAN oo hadalkaa daba socda ayaa Maanta sheegay in Isreal raadinayso dagaal, hadalkeeduna la mid yahay ‘Oohinta Yeyga’.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this