Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Maalinta Bari Ah Ku Waajan Magaalada Boorama Iyo Dareeno Siyaasadeed Oo Ka Taagan Gobolka Awdal + Arrimaha La Filayo In Uu Ka Hadlo Madaxweynuhu

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaan in uu maalinta bari ah booqasho k tago magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Maamulka Jaamacadda Camuud ayaa la sheegay inay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku martiqaadeen qalin jabinta ardayda Jaamacadda Camuud oo ku beegan arbacada beri.

Biixi-3.jpg

Madaxweyne Biixi oo sannadkii hore ka qayb galay qalin jabinta ardaydaas Jaamacadda Camuud, ayaa sannadkan waxa la isweydiinayaa inuu ardayda jaamacadaas kala qayb geli doono munaasibadda qalin jabintooda.

Magaalada Borama waxa ka taagan dareeno siyaasadeed oo salka ku haya saami-qaybsiga guud ahaan mansabyada siyaasadeed iyo baarlamaan ee Somaliland, waxaana toddobaadkan lagu qabtay magaaalda Borama kulan balaadhan oo ay ka qayb galeen siyaasiyiin culus oo dhaliilo loogu soo jeediyay hanaanka siyaasadeed ee Somaliland, waxaanay dad badani isweydiinayaan in Madaxweyne Biixi isagoo og dareenada ka jira magaalada uu ka qayb geli doono qalin jabintan.

Madaxweyne Biixi ayaa haddii uu ka qayb galo munaasibadaas waxa ay bulshada gobalka Awdal ka sugaysaa inuu ka jawaabo tabashooyinka bulshadu qabto iyo bayaankii laga soo saaray kulankaas oo ahaa mid culus.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this