Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan xukuumadda uga digay in ay qaado ciidanka murunka ka taagan yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim “qoone” ayaa si kulul uga hadlay dooda ka dhalatay ciidamo cusub oo dhowaan ka soo baxay tababar islamarkaana ku sugan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kuwaas oo dhowaan odayaasha gobalka diideen in loo diro Galgaduud.

Xildhibaan Qoone, ayaa sheegay in ay qalad weyn tahay in ciidamo arradan, islamarkaana aan hubeesneen una badan carruur sida odayaasha sheegeen ay dowladda Soomaaliya u dirto goobo dagaal, asagoo ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya inay dhagaysto baaqa odayaasha.

“Hiiraan, isagaa u baahan ciidan iyo taageero ee ma’ahan in ciidan laga qaado sababtoo ah Beladweyne meel u jirta 3 KM waxaa u jooga Al-Shabaab” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho.

“Xukuumadda malahan dhaga wax-maqla balse waxaan uga digayaa in ay maqli weyso hadalka ugaas-ka iyo dhaqanka kale, sababtoo ah waxaa ka imaan kara culeesyo kale” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata xildhibaano Qoone, ayuu sheegay in dalka uu qaatay nidaamka federaalka islamarkaana aysan hadda jirin ciidan ka howlgala degaan ka baxsan gobalkooda ama halkii laga qoray, taasina ay muujineyso xadgudub kale sida uu hadalka u dhigay xildhibaan Maxamed Xasan Qoone.

“Ma aragtay ciidanka Puntland oo ka howlgala Beladweyne ama Jowhar, ma aragtay kuwa Galgaduud oo ka howlgalaya Baydhaba, sidee kuwa wiilasha Hiiraan loogu qaadayaa meel kale” ayuu yiri xildhibaan Qoone

Odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa shalay iyo dorraad diiday in magaalada Beladweyne laga qaado ciidamo gaaraya ilaa 400 oo askari, kuwaas oo la sheegay in ay ka qayb qaadan lahaayeen howlgal ka bilaabanaya degmada Ceel-buur ee gobalka Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this