Sign in to follow this  
Deeq A.

Jidadka Magaalada Dhuusamareeb oo lagu xiray Dhagxaan iyo Carro

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in jidadka qaar lagu xiray Dhagxaan iyo Carro.

Ciidamada Dowldda Soomaaliya ee dhawaan halkaas la geeyey ayaa si weyn u sugayo amniga Magaalada, waxaana jidadka soo galo xarunta lagu qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug lagu xiray Carro.

Waddooyinka kale ee Dhagaxaanta iyo Carrada lagu xiray ayaa waxaa kamid ah Jidka galo Madaxtooyada Maamulkaas.

Shacabka Magaalada ayaa qabo dareen ka duwan midkii hore maadaama ay Magaalada nabad ahaan jirtay iyadoo aan wax dhagxaan iyo Carro lagu xirin.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa hadda magan u ah Dhagxaan iyo Carro waxaana loo ekeysiiyey Magaalada Muqdisho oo jidadkeeda dhan Carro iyo Dhagxaan lagu xiray.

Magaalada ayaa waxay la ciir ciireysaa Siyaasiyiin badan oo maalmihii ugu dambeeyey ku qulqulayey waxaana laga cabsi qabaa inay Al-Shabaab weeraro ka fuliso.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa horey gacanta ugu hayey Ciidamada Ahlu Sunna, waxayna ka nabad badneyd Magaalada Muqdisho oo ay joogaan Ciidamada ugu badan ee Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this