Sign in to follow this  
Deeq A.

CIA-da Oo Lasoo Baxday Xog-ogaal Ay Ku Lahayd Aqalka Kremlin-ka Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa lahayd xog-ogaal awood u leh inuu wax badan ka ogaado aqalka Kremlin-ka Ruushka, kaasi oo kaalin weyn ka cayaaray qiimeyntii lagu sameeyey in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu amray faro-gelinta doorashadii Mareykanka ee 2016, waxaa sidaas weriyey CNN iyo New York Times.

8D155FA4-9B30-4A4E-8734-BF8915284A53_w10

CNN iyo New York Times ayaa labaduba sheegay in xog-ogaalkaas laga soo saaray Ruushka sanadii 2017 kadib markii uu diiday yabooh hore oo ahaa inuu ka tago dalkaas.

CNN ayaa sheegtay in go’aanka lagu soo saaray shakhsi meel sidaas u muhiim ah joogay ay qeyb ka ahayd cabsi laga qabo in madaxweyne Trump iyo xubno sare oo ka mid ah maamulkiisa ay si khaldan gacmaha ula galaan akhbaar sir culus ah.

CIA-da ayaa diiday warbixinta CNN-ka, waxayna sheegtay in go’aanka ay uqaadatay uu ku salaysnaa “taxliil hadaf leh iyo xog uruurin cilmi ku dhisan.”

New York Times ayaa sheegtay in go’aanka jaajuuskaas lagu soo saaray ay sabab u ahayd sida warbaahinta ugu hadashay faro-gelintii Ruushka ay ku sameeyeen doorashada iyo warar ku saabsanaa xogo laga helay il-wareed ku dhex sugan Kremlin-ka.

Warbixinada ayaa sheegay in luminta xog-ogaal sidan u qiimaha badnaa oo ku dhex sugnaa Kremlin-ka ay sirdoonka Mareykanka ka dhigaty kuwa aan wax xog ah ka haysan ficillada Ruushka ee iminka iyo qorshahooda ay ku faro-gelinayaan doorashooyinka dambe ee Mareykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this