Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 250,000 oo ku barakacay gudaha Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – In ka badan 250,000 oo qof ayaa ku barakacay colaadaha iyo abaarta ka jirta Soomaaliya intii u dhaxaysay January illaa July ee sanadkan 2019-ka, sida ay sheegtay hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobey.

Barakaca ugu badan ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay ka socdaan howlgallo military oo ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Hay’adaha UNHCR iyo NRC ayaa sheegay in dadkan ay kusoo barakaceen xeryo ku yaalla duleedka Muqdisho, iyago wajahaya xaalado dhanka nolosha ah, maadaama aan wali helin gargaar bini’aadanimo.

“In ka badan 250,000 oo qof ayaa waxaa soo barakiciyay dagaallada iyo abaarta ka jirta qaar kamid ah gobollada dalka Soomaaliya, kuwaasoo 50% ka badan kuwii la diiwaangeliyay sanadkii hore,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay si wada jir ah usoo saareen UNHCR iyo NRC.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay dhibaato bini’aadanimo hadii ay sii socdaan dagaallada Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay dowladda Federaalka iyo ciidamada ajnabiga ah inay kala shaqeeyaan u gurmashada barakaciyaasha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this