Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo wada qorshe lagu hormarinayo cadaaladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in uu socdo qorshe lagu hormarinayo hanaankacCadaaladda dalka.

Wasiirka oo la hadlayey warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu ka hadlay hirgalinta nidaamka  cadaaladda dalka oo ay waddo wasaaraddiisa, islamarkaana la tashiyo kala duwan kala sameyneyso dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo qeybaha kala duwan ee ururadda bulshada rayidka ah.

S idoo kale wasiirka Cadaaladda ayaa tilmaamay in nidaamkan la doonayo in uu lajaan qaado kuwa Cadaaladda ee dunida ka jira, lehna awoodihii lagu fulin lahaa.

“Waxaa jiray in aan ka shaqeyneynay hanaanka cadaaladda, asluubta iyo siyaasad weyn oo dowlad goboleedyadda iyo dowladda federaalka ayaa nidaamkaas si-wadajir ah uga soo shaqeeyeen,hanaankaas oo la horgeeyey golaha Wasiiradda oo ay ansixiyeen.” ayuu yiri Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji

Ugu danbeyn wasiirka ayaa xusay in hanaankan laga hirgalin doono dhammaan dalka si ay dadka Soomaaliyeed u helaan nidaam cadaaladeed oo wanaagsan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this