Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaaf Iyo Kala Dheeri: Madaxweyne Biixi Oo Heshiis La Saxeexday Sarkaal Ka Tirsan Dawladda Ingriiska Iyo Milicsiga Heshiis Ay Xukuumadii Siilaayno La Gashay Wasiir Ingriis Ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kaaf iyo Kala Dheeri: 24 July 201 Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Ayaa Heshiis Madaxtooyadda kula Galay Wasiirka Ingiriiska ee Afrika, Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu ahaa Goob-joog.

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay wuxuu heshiis la saxeexday sarkaal ka tirsan waaxadda horumarinta caalamiga ah ee Ingriiska oo loo soo gaabiyo DFID Mr. Damon Bristow, taas oo u qaabilsan dalkaas kaalmaha caalamiga ah, kaas oo sida ay madaxtooyadu sheegtay uu nuxurkiisu ahaa kaalinta uu Ingrisku kaga qeyb qaato sanduuqa horumarinta somaliland SDF.

biixi.jpg

Waxaa kale oo ay madaxtooyadu sheegtay in Madaxweyne Biixi iyo Sarkaalkani ay kala saxeexdeen heshiis lagu horumarinta khayraadka tamarta Jsl.

Ma Tahay Talaabo Haboon?

Dad badan ayaa baraha bulshada ku dhaliilay in Madaxweyne Biixi uu heshiis la saxeexdo sarkaalkan.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in Mr. Damon Bristow, uu ka mid ahaa wefti uu hoggaaminayo safiirka Ingriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya Danjire Ben Fender.

Sarjaalka uu Madaxaweyne Muuse Biixi heshiiska la saxeexday wuxuu Xafiiska arrimaha dibada iyo bawaaqa sooranka (FCO) ee Ingriisku sheegay in Mr. Bristow uu u qaabilsanyahay waaxda horumatinta caalamiga ah ee DFID dalka Soomaliya, inkastoo aanay madaxtiiyadu sheegin. waxaanu xilkan la wareegay bishii June ee sannadkan. DFID waxa madax ka ah wasiir, waxaayna leedahay waaxyo. Xilka Mr Bristow wuxuu u dhigmaa agaasime unug, haddii la barbar dhigo qaab dhimseedka wasaaradaha somaliland.

Haddaba, dad badan ayaa talaabo aan wanaagsanayn ku tilmaamay in Madaxweynaha qaranku uu sarkaal ka tirsa wasaarad la saxeexdo heshiis iyadoo uu madaxsha joogay wasiirkii arrimaha dibadu somaliland Yaasiin Xiir Faratoon, islamrkaana ay jiraan waaxyo kala duwan oo ay leeyihiin wasaaradda qorshaynta oo kale.

Siilaanyo iyo 2015

Marka uu shalay madaxweyne Muuse Biixi Cbadi heshiiska la saxeexday sarkaalkan Ingriiska ah, waxa xusid mudan in afar sannadood ka hor ay xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ee xilka ku wareejisay Madaxweyne Biixi heshiis dawladda Ingriiska kula gashay isla goobtan Madaxtooyada ee uu Bixii kula galay. Heshiiskaas oo sida sawirka ka muuqata uu madaxweyne Siilaanyo goob-joog ka ahaa waxaa 24 july 2015 kala saxeexday wasiirkii arrimaha dibadda ee wakhtigaas maxamed Biixi Yoomis iyo Wasiirka ingriiska ee Afrika u qaabilsanaa wakhtigaas Mr. Grant Shapps oo socdaal ku yimid Hargeisa.

Heshiiska ayuu nuxurkiisu daarnaa biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa iyo horumarinta tamarta iyo korontadda Hargeysa.

Gunaanad

Dad badan oo falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo hab maamuska ayaa talaabadan uu Madaxweyne Biixi heshiiska kula sxeexday sarkaal ka tirsan waaxda DFID u arkaa mid aan ku haboonayan haybada madaxweynenimo. sidaas horaba u dhacday ee uu Madaxweynihii hore ee Siilaanyo goobjooga uga noqday oo waliba lala galay wasiir, waxa ay ku haboonayd in heshiiskan ay kala saxeexdaan madaxada DFID iyo wasaaradda arrimaaha dibadda ama wasaaradda Qorshayanta. Waxa ay dad badani u arkaan in arrintani nusqaaan ku noqon karto haybad kursiga Madaxweynaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this