Sign in to follow this  
Deeq A.

Darawalada gaadiidka oo ka cabanaya burburka wadada isku xirta Boosaaso iyo Galkacyo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Darawalada gaadiidka u kala goosha deegaamada Puntland ayaa cabasho xoogan ka muujiyey burburka soo gaarey qaybo kamid ah wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Boosaaso.

Wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in wadada isku xirta Garoowe iyo Boosaaso ay meelo badan ka go’antahay ayna halis ku tahay gaadiidka, badeecadaha saaran iyo dadka intaba.

Waxa ay ugu baaqeen xukuumadda Puntland inay sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabato burburka laamiga, ayna dib ugu soo celiso canshuuraha laga qaado gaadiidleyda iyo dhammaan umadda Puntland si uusan u joogsan isu socodka gaadiidka guud ahaan Puntland.

Dhismaha wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Galkacyo ayaa horay u joogsadey, inkastoo xukuumadda hadda jirta ay dedaal badan ku bixisay sidii dib loogu bilaabi lahaa.

PUNTLANDPOST

The post Darawalada gaadiidka oo ka cabanaya burburka wadada isku xirta Boosaaso iyo Galkacyo. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this