Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Sacad Cali Shire Oo Sameeyey Isku Shaandhayn Dhinac Ka Raran

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa isku shaandhayn dhinac ka raran ku sameeyey agaasimeyaasha iyo madaxda waaxyaha kala duwan ee wasaaradaasi.

Biixi-iyo-Sacad.jpg

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa isku shaandhayntan uu sameeyey waxa uu agaasime waaxeedyadii ugu badan isla markaana kuwa ugu muhiimsan ah u magacaabay shaqaale ay isku deegaan ka soo jeedaan, taas oo dhalisay dareen taban oo laga muujiyey hab dhaqanka wasiirka Maaliyadda.

Sidoo kale agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Gurxan ayaa wasiir Sacad kula socda isku shaandhayntan dhinaca ka raran iyada oo wararkuna ay sheegaya inuu qayb ku lahaa go’aanka uu wasiirku ku magacaabay agaasime waaxeedyadan kala duwan ee u badan beeshiisa.

Agaasime Gurxan ayaan dhankiisa hal xubin oo agaasime waaxeed ah oo ay isku deegaan yihiin aan lagu soo darin magacaabida wasiirka, taas oo su’aal galinaysa mataalada agaasime Gurxan ee deegaankiisa.

FB_IMG_1568085112163.jpg 2-5.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this