Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay kawada hadleen madaxa xukuumadda Galmudug iyo musharax Odawaa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay musharaxa madaxtinimada maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Odawaa.

Inkastoo aysan faahfaahin dheeraad ah ka bixin kulankooda haddana waxaa ilo xogagaal ah ay sheegayaan inay kawada hadleen dhismaha Galmudug loo dhan yahay iyo geeddi socodka doorashooyinka soo socda.

Musharaxa iyo Sheekh Shaakir waxa ay sidoo kale kawada hadleen sidii dowladda federalka ah ee Soomaaliya ay faragelinta uga deyn lahayd shirka ka socda Dhuusamareeb looguna madax bannayn lahaa odayaasha dhaqanka Galmudug.

Ilo wareedyo ku sugan Dhuusamareeb ayaa u sheegay Puntlandpost in musharax Odawaa uu madaxa xukuumadda Galmudug kala hadlay arrimaha ololihiisa doorashada iyo inay isku garab noqdaan marka lagu heshiisyo hanaanka dhismaha Galmudug.

PUNTLANDPOST

The post Maxay kawada hadleen madaxa xukuumadda Galmudug iyo musharax Odawaa. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this