Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Khayre ma ku guuleysan doonaa inuu Qarameeyo ciidanka Mukhaar Roobow?

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta markii ugu horreysay booqanaya gobolka Bakool ayaa waxaa safarkiisa ku geedaaman arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan kuwa muhiim ah.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la filayaa inuu booqdo xeryaha ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed, iyo ciidanka daacadda u ah Sheekh Mukkhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur.

Sida ay ogaatay Caasimada Online u jeedka socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ugu muhiimsan, sidii loo Qarameyn lahaa ciidamada Abuu Mansuur oo qeyb ka ah dagaalka adag ee haatan lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaasi ayaa waxa ay horay shuruudo adag ugu xireen in la Qarameenyo, kadibna lagu biiriyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Shuruudahaasi oo ay hordhigeen guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa waxaa ka mid ahaa:

1– in ciidanka hoggaankiisa ay qeyb ka noqdaan

2– in dhaamaan hubka gaadiidka kala duwan ciidamada iyo saanadooda loo dhameystiro.

Haddaba waxa ay dad badan is weydiinayaan, sida uu Ra’iisul wasaaruhu u fulin doono shuruudahaasi oo uu wax badan ka ogyahay hoggaamiyaha ay ka amar qaataan.

Roobow ayaa hadda u xiran dowladda Soomaaliya, kadib markii ciidamada ammaanka ay ka soo xireen isagoo musharrax ahaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Lama oga sida ay wax noqo doonaan, balse Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa horay ugu guuleystay inuu Qarameeyo ciidamadii Ahlu Sunna iyo maleeshiyaad ku suganaa deegaanada maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this