Sign in to follow this  
Deeq A.

Bangiga Adduunka Oo Sheegay In Dhaqaalaha Soomaaliya Uu Kor U Kacay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Bangiga adduunka ayaa ku shaaciyay war ka soo baxay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sare u kacay 2.9% sanadkan halka sanadkii hore uu ahaa 2.8%.

bangiga-addunka.jpg


Warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in heerka korodhka dhaqaalaha dalka Soomaaliya saddexda illaa shanta sanno ee soo socota uu ku tiirsanaan doono sida loo joogteeyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

“Ururinta canshuuraha ee dowlada Soomaaliya ayaa sare u kacay 29% sannadkii la soo dhaafay iyadoo dhaqaalahana uu ka soo kabtay abaar ku dhufatay dalka laba sanno ka hodhay dowladuna waxa ay bedeshay siyaasadeedii canshuuraha,”ayaa lagu sheegay warkan ka soo baxday Bangiga Adduunka.

“Inkasta uu dhaqaaluhu kordhay balse lama helin lacag ku filan oo lagu dabooli karo baahida waxbarashada iyo caafimaadka ee dalka ka jirta.”ayuu sii raaciyay Bangiga adduunka warbixinta uu ka soo saaray ee dalka Soomaaliya.

Sida ay daabacday Wakaalada wararka ee Reuters Bangiga Adduunka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dowlada Soomaaliya inay abuurto dhaqaale loogu talo galay horumarinta waxbarashada.

Bishii May ee sanadkan ayaa hay’adda lacagta adduunka IMF waxa uu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu waddo wanaagsan ku taagan yahay balse waxa uu ka digey in uu halis u yahay in uu burburo sababo la xidhiidha amniga darro, isbedelka cimilada iyo saboolnimo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this