Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Loogu Baaqay In Uu Joojiyo Cadaadiska Uu Ku Hayo Iiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Beijing)-Dowlada Shiinaha ayaa sheegtay in siyaasadda Mareykanka ee ku saleysan cadaadiska ka dhanka ah Iiraan ay sal u tahay xiisada u dhaxeysa Washington iyo Tehraan.

Presidents-Trump-and-Rouhani.jpg

Shiinaha ayaa ugu baaqay Mareykanka in uu joojiyo talaabadan khaldan, oo dhalin karta in Iiraan ay ka baxdo heshiiskii Nuclear-ka.

Hua Chunying, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha oo warfidiyeenada kula hadlayay magaalada Beijing ayaa tilmaamay in xaaladda ay ka sii dari doonto hadii Washington ay sii wado cadaadiska Iiraan ay xiisada sii socon Doonto.

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa bishii hore u qabtay mudo lixdan maalmood ah hadii Mareykanka aanu joojin cadaadiska uu ku hayo ay ka bixi doonaan heshiiska Nuclear-ka ee sanadkii 2015-kii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this