Deeq A. Posted September 10, 2019 (SLT- Pyongyang)-Kuuriyada Waqooyi ayaa laba gantaal oo aan noocooda la sheegin ku gantay badda, sida laga soo xigtay millatariga Kuuriyada Koofureed. Millatariga Kuuriyada Koonureed ayaa sheegay in gantaallada Kuuriyada Waqooyi laga soo ganay dhul ku yaalla Koonfurta gobolka Pyongyang isla markaasna la mariyay biyaha xeebaheeda bari. Kuuriyada Koonfureed ayaa qabanaysa kulan deg-deg ah oo ay iskugu imaanayaan golaha ammaanka qaranka iyaga oo ka jawaabaya arrinta soo korodhay. Kuuriyada Waqooyi ayaa bilihii dhawaa tijaabisay noocyo badan oo gantaallo ridadoodu gaaban tahay ah. Haddii kuwan la xaqiijiyana waxay noqon doonaa tijaabadii tobnaad tan iyo bishii May. Arrintan ayaa imaanaysa saacado uun ka dib markii wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi Choe Son-hui ay soo saartay war qoraal ah oo ay ku sheegtay in dalkeedu uu diyaar u yahay in uu wadahadallo dib ula furo Maraykanka dhammaadka bishan Sabtembar. Source Share this post Link to post Share on other sites