Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Haya Tallada Dalka Ruushka Oo Lumiyay Kuraas Ku Doorashadii Golaha Deegaanka Ee Moscow

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Xisbiga haya tallada Ruushka ee loo yaqaan United Russia party, ayaa lumiyay saddex meelood meel lumiyay kursiga aqalka golaha deegaanka kadib doorashadii gobolada ee shalay dhacday.

15680613946fb8d.jpg

Wakaalada wararka Ruushka ayaa sheegtay in badi xisbiga haya tallada uu hantay aqlabiyada kuraasta hoose ee Barlamaanka magaalada Moscow.

Xisbiga uu hoggaamiyo Putin ayaa dhanka kale ku guulleystay badhaasaabka magaalada St. Petersburg iyo 15 gobol oo kale oo ka mid ah Ruushka.

Natiijada ka soo baxday doorashada ayaa waxaa saluugay xisbiyada Mucaaradka, waxaana ay ku soo aadeysaa iyadoo dibadbaxyo xooggan ay mucaaradku dhigayeen toddobaadyadii la soo Dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee doorashadan ayaa tijaabo u ah loolan uu gali doono xisbiga haya tallada marka la gaadho sannadka 2021-da oo la qaban doono doorashada Baarlamaaniga Ruushka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this