Sign in to follow this  
Deeq A.

Ogow Wax Walbo Oo Ku Saaban Ciyaarta Adag Ee Soomaaliya Iyo Zimbabwe

Recommended Posts

Deeq A.   

Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa kulanka labaad ee is reeb reebka koobka aduunka 2022 ee ka dhacay wadanka Qatar magaalada Haraare kula ciyaaray xulka wadanka Zimbabawe.

69796777_1232815706890848_86211594680983

Kulankii hore oo ay labada wadan ku dheeleen garoonka Al-Hagi Guleed ee dalka Jabuti waxaa 1-0 ku adkaaday xidigaha dalkeena Soomaaliya waxaana goolka u dhaliyay xidigaha Elman Anwar Sayid Cali.

Screen-Shot-2019-09-09-at-1.06.19-PM.png
.
Tagaareyaal badan oo Soomaaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaaray magaalada Haraare,si ay dhiiri gelin iyo garab istaag ugu muujiyaan xidigaha xulkeena waxayna badankooda ka yimaadeen Koonfur Afrika.

69896072_151078416091069_291752713190899

Wafdiga ku sugan magaalada Hareere ee ka socoda Xariirka kubbadda cagta dalka waxaa hogaaminaya Cabdisamad Sheekh Qaasim oo ah madaxa farsamada xariirka kubbadda cagta,Cali Barre oo ah guddoomiyaha kooxda Hilaac iyo Cabdullahi Cilmi oo isna ah guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Rajo.

Screen-Shot-2019-09-09-at-1.51.11-PM-102

“Waa in aan ka *****naa hadafkeena oo ah in dalkeena u samaynaa guul taariikha ah oo lagu xasuusto xidigaha matalaya wadanka,si mustaqbalka soo socda ay ugu faanaan jiilka danbe,diyaar ayaan u nahay 100% ” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Maxamuud Cali oo ah kabtanka xulka qaranka Soomaaliya.

108660079_gettyimages-500088218.jpg

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka- World Cup qualification
Dalalka-Zimbabwe VS Somalia
Tariikhda-10-09- 2019
Maalinta– Talaad0
Sacaada Kulanka-4:00pm
Cimilada Xiliga Ciyaarta:-27° / 12°
Garoonka-National Stadium
Daawashada-FIFA TV
Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this