Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Khayre oo markii ugu horreysay tegaya gobolka Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa saacadaha soo socda ku wajahan gudaha magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Qaban qaabo iyo soo dhoweyn ballaaran oo lagu jiro Ra’iisul wasaaraha ayaa hadda ka socota gudaha magaaladaasi.

Dadweyne fara badan oo sita boorar lagu xardhay sawirka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Xudur ee koonfurta Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in goob fagaare ah uu kula hadlay dadkaasi, sidoo kalena uu booqdo xarumaha ciidamada iyo goobaha muhiimka ee degmadaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in Ra’iisul wasaaruhu uu dhagax dhigi doono mashaariic horumarineed oo laga fulinayo halkaasi.

Ammaanka ayaa loo adkeeyey, iyaoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo jidadka magaalada, maadaama booqashada Khayre ay tahay tii ugu horreysay ee gobolka Bakool.

Khayre-1.jpg A-11.jpg C-11.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this