Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare Ka Dhashay Weerar Al-shabaab Ku Soo Qaadeen Garbahaarey

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo ku wa Al-shabaab ayaa habeenimadii xalay ku dagaalamay degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhigga degamada, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo labada dhinac u  dhaxeeyey, oo kala ah ciidamada xogga iyo kuwii weerarka soo qaaday.

Qof ka mid ah bulshada ku dhaqan dagmada Garbahaareey ayaa Goobjoog News u sheegay inuu jiro khasaare ay arkeen oo ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay saldhigga degmada Garbahaarey ee gobalaka Gedo.

Sidoo kale,  waxaa uu sheegay inuu arkay meydka ku dhowaad sedex ruux oo ciidamada ammaanka ay ku sheegeyn in ay ahaayeen qolyihii weerarka soo qaaday, kuwaas oo meydkoodu yaalay afaafka hore ee saldhigga degmada.

Dhanka kale,  waxaan jirin ilaa iyo hadda war ka soo baxay saraakiisha ciidamada oo ku aadan dagaalkii xalay ka dhacay saldhigga degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo, balse ciidamada ayaa saakay  dhaqaaqyo kawada duleedka magaalada Garbahaareey oo  lagu xaqiijinaayo ammaanka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this