Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari oo ka warbixiyay hawlgallada ka socda Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali maxamud oo saaka wareysi siiyay warbaahinta Puntland post ayaa ka warbixiyay xaaladda Amni ee magaalada Boosaaso iyo guud ahaan degmooyinka gobolka Bari.

G/sare Xuseen Cali maxamud ayaa sidoo kale faahfaahiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ciidanka Booliisku ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso iyo socdaallo ay ku soo kormeereen degaanno ka tirsan gobolka Bari oo ka baxsan laamiga sida buuraleeyda Galgala.

Taliyaha ayaa ku bogaadiyay shacabka Boosaaso sida ay Booliiska uga gacan-siiyaan sugidda Amniga waxaana uu ugu baaqay in ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ” waxaan leenahay shacabka si dhow aan u wada-shaqeyno waxyaabaha mugdiga ku jirana waan ka saarnay” ayuu yiri G/sare Xuseen Cali .

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan

PUNTLAND POST

The post Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari oo ka warbixiyay hawlgallada ka socda Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this