Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya weerar ka dhacay Garbahaarey

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay abaare 11:00 habeeno ka dhacay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga Booliska ee degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu xigay dagaal toos ah oo dhex maray ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday.

Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay weerarkaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Dhanka kale saraakiisha ciidamada dowladda ayaa saaka soo bandhigay Meydadka illaa 3 nin oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen dagaalyahannadii weerarka fuliyey.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Xaaladda saaka degan, waxaan howlgallo iyo baaritaano ay ka socdaan xaafado ka tirsan degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this