Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Sheekh Shaakir oo xildhibaano kula kulmay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xsan madaxa xukuumadda Galmudug ayaa xalay la kulmay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo shalay gelinkii dambe gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Kulanka oo qaatay muddo saacado ayaa waxa uu dhexeeyey Sheekh Shaakir iyo Xildhibaanada Axmed Macalin (Fiqi) iyo  Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ah musharrax u taagan hoggaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Ilo ku dhow shirkaasi ayaa sheegay in labada dhinaca ayaa ka wada hadalay arrimaha shirka  dib u heshiisiinta iyo dooraashada la filayo in dhowaan ay ka dhaco magaaldaasi.

Ugu dambeyn Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku booriyey labada xildhibaan inay ka qeyb qaataan horumarka iyo dhismaha loogu jiro Galmudug oo loo dhan yahay.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

333 11 22 33

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this