Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Somaliland oo dad shacab ah ku xirxiray Laascaanood.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka ammaanka Somaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku xirxiray dad shacab ah oo ka soo horjeeda awaamiir ka soo baxay xukuumadda Muuse Biixi.

In ka badan 10 ruux ayaa ciidanku xireen waxaana la sheegay inay ka mid ahaayeen dad dagaal shalay kala horyimid Ciidamada Soomaaliland oo wada howlo burburin ah,kadib amar kasoo baxay Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliland.

Dhanka kalena, taliska ciidanka 26aad ee Puntland ayaa si adag uga hadlay tacadiyada lagu hayo bulshada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, wuxuuna sheegay in cawaaqib xumida ka dhalatay ay qaadan doonto Somaliland.

DAAWO

PUNTLANDPOST

The post Ciidanka Somaliland oo dad shacab ah ku xirxiray Laascaanood. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this