Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Kheyre oo ciidamada uu ururinayo ku xoreynaya deegaannada beeshiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa doonaya in uu aruuriyo ciidamo Al-Shabaab ka xoreeya magaalooyinka ay ka mid yihiin Ceelbuur, Galhareeri, Jacar, Bargaan iyo Wabxo oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Al-Shabaab ayaa intii ay jireen maamulayey deegaanadaas, oo ay dhamaantood degto beesha uu kasoo jeedo Ra’iisul Wasaare Kheyre, taas oo uur ku taallo ku noqotay.

Kheyre ayaa waxuu arrinkaasi ku dhashay labo bilood ka hor markii uu tagay deegaanada Galmudug, oo uu socdaal kusoo wada maray intooda laga xoreeyay Al-Shabaab, taas oo sababtay in waxgaradka iyo siyaasiyiinta beeshiisa ay ku dhiira galiyaan in la sameeyo ciidan xoreeya dhulka cida uu kheyre ku matalo dowladda.

Talaabadii ugu horeysay ee uu qaaday Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa eheyd in isagoo joga Dhuusamareeb uu wax garadka beeshiisa ee ku sugan Muqdisho uu ka dalbaday in loo soo aruuriyo dhalinyaro lagu tababaro Galmudug, si markii ay dhamaystaan tababarka loogu xoreeyo dhulka ay ka arimiyaan Al-Shabaab.

Caasimada Online ayaa ogaatay in 200 oo Askari oo Kheyre ku heyb ah laga qaaday Muqdisho tababarna loo geeyay Galmudug, kuwaas oo hadda uu tababar uga socdo Dugsi lagu magacaabo Har-qaboobe oo ku yaalla duleedka degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa intii uu joogay Galmudug waxa uu isku dayay in ciidamo tababar loo furo uu kasoo qorto deegaanada xorta ah ee Galmudug, balse beelaha qaar ayaa ku fahmay qorshihiisa, halka beelaha qaarna ay ogolaadeen oo ciidamadii laga soo qoray ay tababar ku qaadanayaan Gurceel.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka baaraan dagaya in aysan ku yaraan ciidamadu ayaa saraakiisha  Taliska qeybta 21-aad waxa uu amray in ay tagaan gobolka Hiiraan, kana soo qoraan dhalinyaro, iyadoo reer Hiiraan lagu qancinayo inla bilaabayo dagaal saf balaaran ah oo ka dhana Al-Shabaab.

Saraakiisha oo fulinaya amarka Kheyre ayaa hadda ku sugan Beledweyne, waxeyna degmooyin badan oo ka tirsan gobolkaas kasoo qoreen dhalinyaro si tababar loogu siiyo Galmudug, waxaana arinkaas kasoo hor jeestay odayaasha iyo waxgaradka reer Hiiraan oo diidan in wiilashooda loo qaado Galmudug.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this