Deeq A. Posted September 9, 2019 Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta booqasho ugu tegay 415 Aaskar Booliis ah oo tababar uga socdo magalaada Beydhabo, loona diyaarinayo ka qayb qaadashada sare u qaadidda amniga dalka. Khayre oo uu wehliyo madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan, si ay ugu fududaato u adeegidda bulshada Soomaaliyeed. Ciidamada oo Ra’iisul Wasaaruhu booqday ayaa marka ay dhameystaan tababarka waxaa loo qeybinayaa qayb ka ku biirta howl gallada amniga lagu sugayo iyo qayb tababar dheeraad ah la siiyo si ay ugu mid noqdaan ciidamada booliiska gaarka u tababan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites