Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo Baydhabo ka dhegax dhigo waddo cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax dhigay dhisma waddo 1,500 oo mitir oo dhex marta magaalada Beydhabo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu-socoka bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Dhismaha wadada oo ay fulineyso dowladda federaalka ayna maal gelineyso dowladda Norway ayaa inta la dhisayo waxaa ka shaqeynaya 500 oo shaqaala dadka deegaanka ah oo ay shaqo abuur u noqoneyso.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhanka kale, xarigga ka jaray ceel biyood ay dhistay Save the Children oo kamid ah mashaariicda horumarineed ee magaalada Beydhabo laga hir-geliyay kaas oo si lacag la’aan ah biyaha uga cabayaan 4,000 oo qoys oo ku nool xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

unnamed-7.jpgunnamed-4-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this