Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo war kasoo saartay dayactirka Stadium Muqdisho ee la sheegay inay joojiyeen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay joojiyeen dhismaha iyo dayactirka lagu waday garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho.

Garoonka Stadium Muqdisho waxaa galabta booqday ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi MAXAMED guuleed (Khadar) oo ay wehlinayeen wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiirka warfaafinta Maareeye iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish iyo ku-xigeenkiisa amniga iyo siyaasada Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in howlihiidhismaha iyo dayactirka ee Stadium Muqdisho ay si caadi ah u socdaan, isla markaana ay been abuur tahay inay Shabaab joojiyeen.

Maareeye ayaa sheegay inaysan jirin cid joojin karta shaqada ka socota garoonka.

Maareeye ayaa sheegay inuu warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo dadka uu ugua digayo baahinta warar uu sheegay inay yihiin been abuur.

Maareeye waxa kale oo uu sheegay in sidoo kale ay baaritaano ku sameyn doonaan shirkadda heysata qandaraaska dhismaha, isla markaana ay wax ka weeydiin doonaan arrimhaasi.

Warka ku saabsan in shaqada lagu joojiyey amar, oo markii hore uu baahiyey taleefishinka Universal ayaa laga soo xigtay shirkadda dhismaha iyo qaar ka mid ah shaqaalaha, oo hanjabaado ka helay.

Maadaama Shabaab aysan markii horeba awood ciidan oo ay garoonka ku qabsadeen ku joojin dayactirka, tagitaanka xubnaha dowladda ee garoonka caddeyn uma noqon karaan inaan la joojin, waxaana lagu kala ogaan doonaa sida ay shaqada u socoto maalmaha soo socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this