Deeq A. Posted September 9, 2019 Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa maanta shir muhiim ah ka daah-furay gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya hay’adaha horumarinta dhaqaalaha ka taageera Soomaaliya, xubno ka socda wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed, iyadoona diirada lagu saarayo arrimaha kobaca dhaqaalaha dalka. Sidoo kale waxaa shirkan looga hadlayaa barnaamijka shaqo abuurka dhalinyarada, si loo hubiyo shaqaaleysiinta dhalinyarada Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites