Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay inay qabatay xubno Shabaab ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (SMN) –  Taliyaha ciidamada difaaca Puntland, S/gaas Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana xiriir la leh maamulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Taliye Yaasiin Dheere ayaa xusay in xubnaha la qabtay ay qirteen inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay isbaheysi la yihiin Somaliland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnahan oo lagu qabtay degmada Baran, iyaga oo wata gaari nooca raaxada ah haatan uu ku socdo baaritaan dheeraad ah.

Dhowaan ayey aheyd markii Puntland ay shaacisay in ciidanka Soomaliland iyo Al-Shabaab oo wada socda ay dulaan ku yihiin gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this