Deeq A. Posted September 9, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed agagaarka dekedda weyn ee M/ Muqdisho. Qaraxa oo ahaa midka lagu dhajiyo baabuurta ayaa waxaa gaarigiisA loogu xiray sarkaal lagu magacaabo Jeneraal Maxamed Cabdulle Dhoore. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawac culus uu soo gaaray sarkaalkaasi oo arrimaha dibadda u qaabilsanaa Booliska Soomaaliyeed. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe ay howlgallo ballaaran ka socdeen gudaha magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites