Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay demada Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (SMN) – Wararka naga soo gaaraya G/ Galgaduud ayaa sheegaya in maanta kooxa hubeysan qof shacab ahaa ay ku dileen degmada Guriceel ee gobolkaasi.

Dilka oo ka dhacay xaafadda tuulo Gaabey oo ka tirsan degmadaasi ayaa la sheegay in loo geystay nin ka mid ahaa dadka deegaanka.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in dilkan uu salka ku hayo aano Qabiil , iyadoona raggii fuliyey ay goobta isaga baxsadeen.

Saraakiisha ammaanka ee Galmudug ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dilkaasi, balse waxa ay sheegeen inay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa siyaabo kala duwan gobollada Mudug iyo Galgaduud uga dhacayey dilal ay geysanayeen maleeshiyaad ku sugan gobolladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this