Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qatar oo Al-Shabaab siisay lacag xooggan si loo dhiso waddo ay is-hortaageen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa lacag boqolaal kun oo dollar ah siisay dagaalamayaasha Al-Shabaab oo dhawaan hakiyay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Al-Shabaab ayaa todobaadyo ka hor joojiyay dhismaha wadadaan kadib markii ay u hanjabeen shaqaalaha dhismaha iyo shirkadda qandaraaska qaadatay.

Caasimada Online ayaa ogaatay in lacag ka badan nus milyan ay Al-Shabaab ka qaateen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar oo maamulaya dhismaha wadadaan, si loo fasaxo islamarkaana dib loogu billaabo. Lacagta ayaa la rumeysan yahay in lasoo mariyey shirkadda dhiseysa waddada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in hadda ay dib u bilaabatay dhismaha waddada, islamarkaana ay dowladda Qatar bixisay lacagtaasi.

Qatar waxay lacagtaan bixisay kadib markii ay shaqada socon waysay, waxaana sidoo kale Dowladda Soomaaliya ay ogolaatay in lacagta la bixiyo maadaama aysan awoodin ilaalinta wadada haddii la dhiso iyo inta dhismaha socdaba, iyo xaqiiqda ah inay dooneyso in waddada la dhiso.

Al-Shabaab ayaa shirkadda dhismaha wadda u sheegay in wadadaan aysan dhisnaan doonin hadii ay shaqada dhamaato, sidoo kalane ay soo weerari doonaan inta shaqada socoto waxayna arintaasi sababtay in dhismaha istaago.

Lacagta Qatar ay siisay Al-Shabaab ayaa imaneysa xilli 22-kii uu wargeyska New York Times ee Mareykanka daabacay in ganacsade xiriir la leh amiirka Qatar uu safiirka Qatar ee Soomaaliya u sheegay in weerar ka dhan ah Imaaraadka Carabta bishii May laga fuliyey magaalada Boosaaso, ayada oo loogu daneynayo Qatar.

Bishii June, dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn ayaa xiriirka u jaray Qatar ayaga oo ku eedeynaya inay xiriir la leedahay, islamarkaana taageerto kooxaha argagixsada caalamiga ah.

Lacagta iminka Qatar ay siisay Shabaab, iyo eedeymaha la xiriira ku lug lahaanshaha weerarkii bishii May ee Boosaaso, ayaa sii kordhinaya tuhunka laga qabo in Qatar ay mala-geliso argagixisada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this